Book Appointment Now

infak-shanka dhiiga
Hordhac ( introduction )
In dhiiga caabuq ama infekshan lagu arko waa xaalad qof walbo la kulmi karo, laakiin mararka qaarkood waxay noqon kartaa xaalad halisah , gaar ahaan marka calaamado gaar ah soo raacaan . Qormadan, waxaan ku falanqeyn doonaa:
Waxa uu yahay infek-shanka dhiiga raaca ? Waxyaabaha sababa ? Calaamadaha lagu garto ? Dhibaatooyinka uu keeno haddii aan la daaweeynin? Iyo Hababka loo daweeyo iyo sida looga hortago.
Waa Maxay Infak-shanka Dhiiga Raaca ?
Waa xaalad ka dhalato marka jeermiska nooca bakteriyada ee dhiiga gasho Kuna sii daayso sun waxaana loo yaqaanaa xaaladaan ( septicemia ) .
Suntaas jeermiska sii daayay misna raacday qulqulka dhiiga waxeey gaari kartaa xubnaha kala duwan ee jirka waxaana ka dhalan karo xaalado Halis ah oo Degdeg ah .
Halkee ayuu jirka uga yimaadaan Infak-shanka dhiiga sumeeya ?
Sida caadiga ah xubnaha kala duwan ee jirkeena waxaa ku dhaco Infak-shanada noocyadooda kala duwan sida kuwa ku dhaca kiliyaha iyo kaadi mareenka , kuwa ku dhaca neef-mareenka , kuwa ku dhaca caloosha iyo dhamaan xubnaha kale ee jirka , hadii aan qofka Si dhaqsa ah looga daaweeyn waxeey ugudbi karaan Infak-shanadaas dhiiga sidaas ayeeyna ku sababi karaan Infak-shanka dhiiga sida aanku faahfaahinay muuqaalkaan xaga hoose ka muuqda
Xanuunada badanaa uu ka yimaado ama kasoo gudbo asal ahaan Infak-shanka dhiiga waxaa ka mid ah
1. Caabuqa Kaadi-Mareenka ( UTI )
Haddii caabuqaan Kaadi-Mareenka ( UTI ) aan lagaa daweynin, jeermisyada waxay ku faafi karaan dhiigga, sunna kusii daayn karaan, taasoo keenta infak-shanka dhiiga ahna halis caafimaad oo weyn.
imarka hadii aa isku aragto : in kaadida ku gubeeyso , xanuun kaadi heysta ka dareemee, iyo in aaku noqnoqoto suuliga adiga oo xanuun ku dareemaayo kaadida waa calaanado muujinaayo jiritaanka Caabuqa Kaadi-Mareenka ( UTI ), sidaas darteed booqo xarun caafimaad ka hor inta uusan caabuqa ugudbin oo sumeeynin dhiiga .
2. Oof-Wareen (Pneumonia)
Caabuq ku dhaca sambabada kaas oo lagu garto qandho, xanuun feeraha, iyo qufac joogto ah.
Haddii la iska dayaco oo aan la daaweyn xili hore , jeermisyadu dhiigga ayeey raaci karaan, sunna kusii deyn karaan sababina karaan infek-shanka dhiiga.
3. Dhaawac ama Gubasho
Hadii jirka dhaawac kaasoo gaaro ama aa gubato sida dab iyo wax la mid ah haddii aan Si sax ah loo daweeyn, waxay noqon karaan marin ay jeermisyadu dhiigga kasoo galaan Kuna sababaan infak-shanka dhiiga.
4. Hadii difaaca jirkaada hooseeyo
Carruurta yar yar, waayeelka, iyo dadka qaba HIV/AIDS, tiibishada , ama kansarka waxay unugulyihiin infakshanka dhiiga raaca, maadaama nidaamkii difaaca ee jirka hooseeyo .
4-taas ayaa ah meelaha ugu badan ee qofka unugleeya in SI fudud jeermiska ugu Soo gudbo dhiiga Kuna sababo infek-shanka dhiiga.
Waa maxay Calaamadaha Lagu Garto Infak-shanka Dhiiga Raaca ?
1-Qandho (fever).
2- Qarqaryo (chills).
3- Neef-tuur badan (tachypnoea).
4- Wadno garaac degdeg ah (tachycardia).
Haddii xaaladdu kasii darto, waxaa lagu arki karaa:
5- Isku dhex yaac (confusion).
6- Lalabo iyo matag.
7- Kaadida oo yaraata marka xaalada kasii darto
8- Nabro yaryar oo kasoo Baxa maqaarka.
Waa maxay Dhibaatooyinka Ka Dhasha Infak-shanka dhiiga Haddii Aan La Daaweyn ?
1. Sepsis:
Waa xaalad ku timaado jawaab celin uu jirka ka bixinaayo la dagaalanka jeermisyada ama suntooda, taasoo xaaladda uga sii dareysa halisna gilineeysa qofka naftiisa .
2. Septic Shock:
Waa xaalad halis ah oo jirka gilineeysa xaalad Degdeg ah , waxaana dhacaayo in cadaadiska dhiiga uu hoos udhaco sababa in xubnaha muhiimka u ah jirkeena sida maskaxda kiliyaha iyo kuwa la midka ah eeysan helin dhiig iyo oksajiin ku filan taas oo hoos udhigeeysa shaqada xubnaha kala duwan ee jirka sababi kartana dhimasho hadii aanlala tacaalin .
3. Acute Respiratory Distress Syndrome (ARDS):
Sidoo kale waxaa dhaawac halis ah Soo gaari karaa Sambabaha taas oo hoos udhigeeysa neefsiga ama joojineeysa hadii aan lala tacaalin .
Marwalbo waxeey ku xerantahay daawada xaalada Halka ee mareeyso , dhibaatada inta eela egtahay iyo nooca jeermis ee sababay .
1- Hadii aa qabto infek-shanka kiliyaha iyo kaadi mareenka iska daaweey
2- hadii aa qabto infek-shanka ku dhaca neef mareenka iska daaweey
3- iyo dhamaan infekshanada kale ee ku dhaca xubnaha kala duwan ee jirka ka hor inta eeysan u gudbin dhiiga .
4- hadii dhaawac maqaarka kaasoo gaaro ama aaka gubato maqaarka SI Degdeg ah u daaweey ka hor inta uu dhiiga u gudbin .
5- hadii aa isku aragto calaamadaha aa Soo sheegay SI Degdeg ah dhaqtar u booqo .
Ugu dambeeyn hadii difaaca jirkaada hooseeyo isticmaal daawooyinkaan xoojiya difaaca jirka


Ka dalbo Whatsapp kaan +254799914277 ama ku dhufo linkiga Whatsapp ee xaga hoose yaala
Gunaanad
Infekshanka dhiiga raaca waa xaalad halis ah, laakiin waa mid laga hortagi karo hadii qofka uu si degdeg ah u raadiyo daaweyn marka uu isku arko calaamadaha. Xasuusnow, caafimaadkaaga ayaa ah hantida ugu weyn!
Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeri ah, ka daawo casharkaan Barteena YouTube ( Dr Timajilac )
Riix linkiga
Balanteennu waa bulsho caafimaad qabta.
Ha hilmaamin inaa daawadaan ka iibsato numberkaan hadii difaaca jirkaada hooseeyo +254799914277
Qore :- Dr Timajilac