xanuunka lagu qaldo gaaska ee Crohn’s Disease – Waa Maxay

Crohn’s Disease – Waa Maxay?

Crohn’s Disease waa cudur dabadheeraad ah oo ku dhaca dheefshiidka (digestive system). Cudurkaan wuxuu sababaa boogo ama nabra ku sameeysma gudaha mindhicirka , taasoo wax u dhimaysa awoodda jirka ee cuno shiididda iyo nuugista nafaqooyinka.
Crohn’s Disease wuxuu ka mid yahay cudurrada loo yaqaan Inflammatory Bowel Disease (IBD), taas oo ah koox cuduro ah oo ay kamid yihiin Crohn’s Disease iyo Ulcerative Colitis.

Xanuunkan wuxuu ka bilaaban karaa qayb kasta oo ka mid ah marinka caloosha – laga bilaabo afka ilaa dabada. Si kastaba ha ahaatee, badanaa wuxuu si gaar ah u saameeyaa mindhicirka yaryar iyo kuwa waaweyn, gaar ahaan qaybta loo yaqaan “ileum”.

Sababaha Keena Crohn’s Disease

Ilaa hadda lama hayo sabab cad oo si toos ah u keenta Crohn’s Disease, balse saynisyahannadu waxay isku raacsan yihiin in cudurkan uu la xiriiri karo dhowr arrimood:

1- Nidaamka difaaca jirka (immune system) – Marka jirku isku dayayo inuu la dagaallamo bakteeriyada ama fayraska ku dhaca mindhicirka, difaacii jirka ayaa khalad u dhaqma oo uu weeraraa unugyada caafimaadka qaba, taasoo keenta barar iyo dhaawac maadaama uu qabanaayo shaqo ka duwan tii loo idmaday .

2- Hidde-sideyaasha (genetics) – Qofka haddii familkiisa ama qaraabadiis hore u qabtay xanuunkan, waxay kordhineysaa fursadda in isagana ugu dhici karo xanuunkaan.

Deegaanka iyo nolosha (environmental factors) – Cuntooyinka warshadaysan, stress-ka joogtada ah, iyo qaabka nolosha casriga ah ayaa lagu tuhmaya inay kaalin ku leeyihiin kororka cudurkan.

Calaamadaha Crohn’s Disease

Calaamadaha xanuunkani waxay kala duwan yihiin iyadoo ku xiran meesha uu saameeyo .
Waxaa kamid ah calaamadaha ugu badan:

1- Caloosha oo si xun u xanuunta – Xanuunka badanaa wuxuu ku dhacaa agagaarka mindhicirka yaryar, gaar ahaan meelaha dadka ragga ah suunka ka xirtaan. Xanuunku wuu sii xumaadaa marka caloosha wax lagu daro ( cuntada ) ama socodka iyo dhaqaaqa.

2- Calool furan (shuban) – Bukaanada waxay la kulmaan shuban joogto ah oo biyo ah, mararka qaarna dhiig ayaa lagu arkaa saxarada .

3- Miisaan dhaca – Marka jirku uusan awoodin inuu si fiican u nuugo nafaqada cuntada, qofka wuu caatoobaa si degdeg ah .

4- Lalabo, gaajo la’aan iyo cunno nacayb – dhaawaca caloosha wuxuu sababi karaa in qofku neef qabto ama caloosha aysan cunto qaadan karin.

5- Tabar darro iyo daal joogto ah

6- Qandho iyo dhidid badan habeenkii – Caabuqyada gudaha jirka ah waxay keeni karaan heerkul sare iyo dhidid xad dhaaf ah xiliga habeenkii

7- Nabro xanuun badsn oo kasoo baxa afka – Waxay noqon kartaa calaamad xanuunka ka muuqda meelaha sare ee marinka dheefshiidka.

8- Dhibaato dabada ka jirta – Waxaa laga yaabaa in qofku dareemo barar, nabro, dhiig ama dareere malax ah oo kasoo daaya dabada. Qaar baa u maleeya baabasiir, balse waxay noqon kartaa calaamad ka mid ah Crohn’s Disease.

Xanuunada Lagu Qaldo Crohn’s Disease?

Dadka badankiis marka ay arkaan calool xanuun, shuban ama dabada oo bararta, waxay si sahlan ugu maleynayaan in ay qabaan:

1- Gaas (Acidity)

2- Tiifow (Typhoid)

3-;Baabasiir

Tani waxay keentaa daawayn aan sax ahayn, sida in la siiyo daawooyin gaas ah, antibiyootiko aan loo baahnayn, ama daawooyinka baabasiirka – taasoo sababta in xaaladdu kasii darto. Dadka qaar waxay cabaan daawooyin muddo dheer iyaga oo u maleynaya in “gaas hayso”, balse xanuunka dhabta ah ee Crohn’s Disease aan la garanaynin.

Sidee Lagu Ogaaadaa Crohn’s Disease?

Si loo xaqiijiyo in qofku qabo Crohn’s Disease, waxaa la sameeyaa baaritaanno kala duwan:

1- Dhiig baaris – Waxaa laga fiiraa waxyaabo ay ka mid yihiin dhiiga baaritaanka guud (CBC)
Dhiiga (ESR) iyo borotiinka jirka sida albumin.

2- Saxaro baaris – Waxaa la eegaa in jeermisyo (bakteeriya, fangas, worm) ama dhiig lagu jiro saxarada.

3- Colonoscopy – Tani waa baaritaan lagu galiyo tuubo yar oo leh kamarad xaga gadaale ee dabada si toos ah loogu eego gudaha mindhicirka. Waxaa lagu arkaa barar, nabarro ama dil dilaacyo.

Maxaa Dhici Kara Haddii Aan La Daaweyn?

Haddii Crohn’s Disease aan la daaweyn, wuxuu sababi karaa dhibaatooyin halis ah:

1- Mindhicirka oo xirma (obstruction)

2- Dilaacyo ama dulduleelo (fistulas) – Mindhicirku wuxuu daloolo ku furaa meelo kale sida dabada, xubnaha taranka ama caloosha.

3- Nabro gudaha ah (ulcers) – Waxay keeni karaan dhiig-bax.

4- Kansar (colorectal cancer) – Haddii xanuunku sii socdo muddo dheer.

Daaweynta Crohn’s Disease

Crohn’s Disease lama bogsiin karo gabi ahaan, balse waxaa la maareeyaa si qofku ugu noolaado nolol caadi ah:

Daawooyin – Waxaa la isticmaalaa daawooyin yareeya bararka, xakameeya difaaca jirka, ama la dagaallama infekshannada.

Hadii aa rabto cuntooyin ufiican iyo daawooyinka nagala soo xiriir whastappka riix badhanka xaga hoose ee whatsapp 👇
Qore Dr Timajilac ( bare caafimaad )

https://youtube.com/@drtimajilac?si=QoMJ_WbQB0dgHQAb
Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *