Book Appointment Now

Waa kan Xalka Hurdo La’aanta: Sameey 8-daan Shey Kahor Inta Aadan Seexan

Waa kan Xalka Hurdo La’aanta: Sameey 8-daan Shey Kahor Inta Aadan Seexan – Dr. Abdirizak Timajilac
Haddii aad rabto hurdo caafimaad leh iyo inaad subaxii soo toosto adiga dareemaayo firfircoon, daal la’aan, madax xanuun la’aan, oo nefsad ahaan deggan – sameey 8-daan qodob ee hoose habeen walba.
Hordhac
Hurdada qalqalsan waxay sababi kartaa caajis, madax xanuun, daal, indha xanuun iyo xanaaq joogto ah, taasoo keeni karta dhibaatooyin caafimaad oo waqti dheer ka dhalan kara.
8-daaan sheey ku dadaal
- Ha cunin cunto badan fiidkii dambe maadaama
Shaqada dheefshiidka hoos u dhaceeyso habeenkii, Cunto badan oo fiidkii la cuno waxay qalqalisaa shaqada jirka waxeena keeni kartaa gaas , dibiro , kor hur , walwal , Daal iyo caajis badan sidaas darteed iska ilaali cunista cunto badan xiliga habeenkii
Halkaan ka daawo dhibaatooyinka laga dhaxlo cuntada lacuno habeenkii 👇👇
- Ka fogow cabista coffee iyo shaah galabtii & habeenkii
Kafeega iyo shaaha waxay kiciyaan maskaxda, waxayna carqaladeeyaan hurdada. Haddii aad rabto hurdo wanaagsan, ka fogow cabitaannadaas laga bilaabo galabtii 3:00pm. - Ha sameyn jimicsi badan habeenkii fiidkii —
Jimicsiga badan ee habeenkii wuxuu keenaa firfircooni dheeraad ah, taasoo hurdada carqaladeysa. Samee jimicsiga subaxii ama duhurkii. - Jiifo wakhti go’an habeen kasta
Ku seexo wakhti joogto ah (tusaale: 8:00 PM), kuna toos 4:00 AM ama 4:30 AM. Jirkaaga wuxuu la qabsan doonaa nidaamkaas wuxuuna kuu keenayaa hurdo tayo leh. - Daryeel deegaanka hurdadaada
Hubi in qolku leeyahay heerkul deggan. Ha ku seexan meel kulul ama aad u qabow. Haddii ay kulushahay, daaqadda fur ama isticmaal ic/muraaxad. - Iska fogee qalabka iftiinka leh (TV, telefoon, computer) habeenkii
Iftiinka shaashadaha wuxuu carqaladeeyaa dheecaanka ama hormoonka melatonin-ka hurdada. Ka fogow iftiinka shaashadaha ugu yaraan saacad ka hor jiifka. - Qabeeyso biyo diirran ka hor intaadan seexan
Qabeeska waxoo dejiyaa murqaha jirka, waxayna kaa caawisaa hurdo raaxo leh oo aad u fudud inaa hurudo. - Aqri adkaar iyo Qur’aan kahor seexashada
Aqriska adkaarta iyo suurado yar yar ama tukashada laba rakcadood waxay siisaa nafta xasillooni iyo dejin ruuxi ah oo kaa caawisa hurdo deggan.
Ugu dambeyn:
Haddii aad sameyso 8-daas qodob habeen walba, waxaad heli doontaa hurdo caafimaad leh, subaxdiina waad toosi doontaa adigoo firfircoon.
Dhibaatooyinka sida madax xanuun, daal, xanaaq iyo caajis waa laga hortagi karaa haddii hurdadaada ay hagaagto.
Wacyigelin & Talo: Haddii aad la kulanto hurdo la’aan, ama aad hurdadaada dareento iney dhibaato kaa haysato, casharkan si dagan u dhageyso una dabaq. La wadaag asxaabtaada si ay uga faa’iideystaan. Muqaalkaan Hoose daawo youtube keena 👇👇
Waaku mahadsantahay hadii aa Halkaan soo gaartay waxaan ahay Dr abdirizak Timajilac .