Book Appointment Now

daawooyinka ugu fiican ee loo isticmaalo Hami Yarida, Biyo Baxa Degdega iyo Jilcanaanta Xubinta Taranka.
5- sabab oo keenta xaaladahaan

1. Xididada dhiiga qaada oo Cilad Ay Ku Timaado
in ee jilecdo xubinta taranka oo si quman u istaagi waayso xiliga galmada waa cilad sababteeda ka imaan karto xididada dhiigga keena Xubinta taranku maadaama xubinta u baahan tahay dhiig ku filan oo si habsami leh u qulqula. marka Haddii xididada cilad ku timaado sida dufin ama xeer (cholesterol) ay xiraan, ama haddii albaabada ka hortagga dhiigga gadaal u noqda ay daciifaan, xubinta si fiican uma shaqeyn karto waxaana qofka ku imaanaayo in xubinta jilacdo ama danto xiliga gogosha .
Sababaha ugu waaweyn ee dhaawaca xididada dhiiga geeya xubinta waxaa ka mid ah :-
A- Cayilka xad-dhaafka ah: Dufinta faraha badan waxay xidhaa xididada dhiigga.
B- Cholesterol-ka : Dhiigga oo dufin badan yeesha wuxuu yareeyaa qulqulka dhiigga.
C- Dhiig karka iyo macaanka: Xanuunadaan waxay dhaawacaan xididada dhiigga qaada.
D- Cabista sigaarka: Sigaarka wuxuu daciifiyaa xididada.
E- Da’da weyn: Marka qofka uu gaaro 65 sano ama ka badan, qulqulka dhiigga ee xubinta taranka gaara wuu yaraan karaa taasna waxeey sababi kartaa jileeca xubinta .
F- Dhaxalka: Haddii qoyskaada qof hore ugu dhacday xaaladahaan waa u nuglan kartaa .
Xalka: qodobka kowaad
Haddii aad isku aragto xaaladahan, waxaa muhiim ah inaad:
Miisaankaaga xakameyso / yareeyso ✓
Cuntooyinka dufinta leh iska ilaaliso ✓
Jimicsi joogto ah sameyso ✓
Daaweyn caafimaad raadsato haddii dhiig karka, macaanka ama cholesterol-ka uu ku hayo ✓
Intaas waa qodobka koowaad ee sababa iyo xalkiisa .
Si aad u hesho macluumaad dheeri ah daawo muuqaalkaan hoose
2. Ciladaha Neerfaha
Neerfaha ayaa fariimaha ka yimaada maskaxda u gudbiya xubinta taranka, sidaas darteed cilad kasta oo ku timaada neerfaha waxay ka qeeyb qaadan kartaa jilcanaanta xubinta ama hami yarida (kacsi la aanta ).
Sababaha ugu waaweyn ee keenta cilada neerfaha ka timaado
A- Jug ama dhaawac ka soo gaara dhabarka qeeybta hoose ama miskaha .
B- in Qalliino lagu sameeyay miskaha ama dhabarka ee waxyeeleen awooda xubinta .
C – Xanuunada sida istarooka/ faaliga ama ciriirshoowga neerfaha dhabarka (spinal stenosis).
D- hadii aa isticmaasho daawooyin xanuun kale laguugu qoray balse hami yari dareentay waxaa jiro in Daawooyinka qaar saameeyaan dareenka hadii aa isticmaasho la tasho dhaqatarka si uu kaaga badalo hadii cilada qeeyb ka yihiin .
Xalka: qodobka labaad
Haddii jug ama dhaawac jiro, si degdeg ah uga raadso daaweyn.
Intaas waa qodobka labaad ee la xiriira neerfaha .
3. Hormoonada oo Yaraada
Hormoonka testosterone waa hormoon muhiim u ah awoodda ragga. Haddii uu yaraado, hami yari iyo jilcanaanta xubinta ayaa dhici karta.
Xalka: qodobka sadaxaad
sameey Baaritaanka lagu ogaanayo heerka hormoonkaan si aa u xaqiijiso hadii cilada asaga kaaga timid .
Isticmaal daawooyinka lagu kordhiyo hormoonka haddii loo baahdo, balse kaliya marka dhakhtar kuu qoro.
4. Dhibaatooyinka Maskaxda iyo Dhiiga
Cabsida, walbahaarka, niyadjabka, iyo xiriirka qoyska oo aan wanaagsaneyn (ninka iyo naagta ) waxay saameeyaan awoodda shaqo ee xubinta taranka.
Ka fogaaw walbahaarka iyo cabsida.
Xalka: qodobka afaraad
Haddii dhibaatooyinka maskaxda ay jiraan, la xiriir dhakhtar cilminafsiga ku takhasusay.
5. Dhaawaca Tooska ah ee Xubinta Taranka
Jug, dhaawac, ama xanuuno toos ah oo gaaray xubinta taranka waxay keeni karaan shaqo la’aan ama jilcanaan.
Xalka: qodobka shanaad
Baaritaan caafimaad si loo ogaado heerka dhaawaca.
Daawooyin iyo qalliino ayaa lagu xalinaa xaaladaha daran.
Daawooyinka Lagu Taliyo :-
Haddii aad isku aragto hami yari, jilcanaan ama biyo bax degdeg ah, waxaa jira daawooyin i (supplements) kaa caawin kara, sida:
1- TestoUltra

2- DHEA

3- Aspartic Acid

Daawooyinkaan waxaa muhiim ah in loo isticmaalo kaliya marka dhakhtar kugula taliyo, sababtoo ah xalka saxda ah wuxuu ku xirnaanayaa sababta gaarka ah ee dhibaatadaada.
Gabagabo:
Waxaa muhiim ah in la fahmo sababta ka dambeysa ciladda ka hor inta aan daawo loo qaadan. Miisaanka xakameynta, jimicsiga joogtada ah, cunto caafimaad leh iyo la-tashiga dhakhtar waxay muhiim u yihiin xalinta xaaladahaan. Sidoo kale, haddii aad isticmaasho daawooyin aad isku aragto inay saameyn ku yeeshaan, si degdeg ah ula xiriir dhakhtarkaaga.
Waaku mahadsantahay inaa halkaan nala soo gaartay .
QORE —DR-TIMAJILAC