Sidaan U Isticmaal Toonta Si Aad uga Hesho 5-Taan Faa’iido.

Toonta waa miro caafimaad badan oo leh faa’iidooyin badan. Halkan hoose ka aqriso shan faa’iido oo muhiim ah oo laga helo haddii si joogto ah loo isticmaalo:

1. Xoojinta Difaaca Jirka

Toonta waxay sare u qaaddaa unugyada difaaca jirka, taas oo ka hortagta xanuunada sida hergabka iyo cudurada kale ee fudud. Haddii difaaca jirkaada uu xooggan yahay, jermisyada yaryar ma dhibaateen karaan jirkaada .

Marka hadii aa dareento hergabka in uu kuugu Soo laalaabanaa ama marka uukuugu dhaco SI aad ah ula xanuuunsato ku dadaal isticmaalka toonta .

2. Yaraynta Cadaadiska Dhiigga

Dad badan oo dhiigkarka qaba ayaa ka faa’iidi kara isticmaalka toonta. Waxay caawisaa in hoos loo dhigo cadaadiska dhiigga, taas oo faa’iido weyn u leh caafimaadka wadnaha iyo xididada dhiiga .

3. Yareynta Cholesterol-ka (LDL)

Toonta waxay ka caawisaa jirka inuu yareeyo dufanka  cholesterol-ka nooca xun ee  (LDL).

 Haddii qofku dufan badan leeyahay, isticmaalka toonta ayaa wax badan u taraya.

4. Saaridda Suntan Jirka

Toonta waxay kaa caawineeysaa nadiifinta jirka sida  in sunta iyo qashinka jirka laga saaro. Waxay caawisaa nadaafadda gudaha jirka, taas oo muhiim u ah caafimaadka guud ee jirka .

5. Xoojinta Lafaha

Toonta waxay sare u qaaddaa caafimaadka lafaha, gaar ahaan hooyooyinka gaaraya xilliga caadada ay ka go’eyso. Waxay kordhisaa heerka estrogen-ka oo hoos u dhaca waqtiga gabowga / da,da  taas oo muhiim u ah dumarka waaweyn (da’da 40-50).

Habka Ugu Wanaagsan ee Loo Cuno Toonta

Waxaa lagu taliyay in qofku cuno 1 ilaa 3 xabbo oo toon ceeriin ah maalintii, gaar ahaan subaxii aroortii caloosha oo maran . Toonta waxaa la cunaa iyadoo cusub oo aan la karin si ay tayada caafimaadkeeda u badnaato.

Talooyin Ku Saabsan Isticmaalka Toonta:

Ha cuni wax ka badan 5 xabbo, sababtoo ah waxay keeni kartaa ur xun oo neefta ka soo baxda ama xanuun gaas ah.

Haddii aad urka ama dhadhanka toonta dhibsaneeyso , waxaa ku liqi kartaa biyo adigoon calaalin ama waxaad ku dari kartaa qudaar kale ama cunto SI urteeda dadka ugu gudbin .

Digniin:

U Isticmaal toonta si dhexdhexaad ah, maxaa yeelay wax ka badan xaddiga la oggol yahay waxay dhaawici kartaa caloosha.

Hadii aa halkaan Soo gaartay Mahadsanid! 

Casharka oo muuqaal ah ka daawo halkaan 👇👇

Balanteenu waa Bulsho caafimaad qabto 

#Qore Dr Timajilac 

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *