KANSARKA DHUUNTA IYO SHAAHA KULUL: XIRIIRKA KA DHEXEEYA

Cabista shaaha kulul waa caado bulshadeena soo jireen u ah una isticmaalan si joogto ah si ee uga helaan firfircooni, tamar ama madax dagsi balse wili ma is weeydiisay  saameynta caafimaad ee laga yaabo inay leedahay. Ma ogtahay in cabista shaaha aadka u kulul ay kordhin karto halista kansarka ku dhaca dhuunta (esophageal cancer)? Halkan waxaan kuugu soo gudbineynaa macluumaad muhiim ah oo cilmi baaris caafimaad ku saleysan.

Tubada Dhuunta Iyo Caloosha isku xerta (Esophagus)

Esophagus-ka waa tubada isku xirta dhuunta iyo caloosha. Cabista shaaha aadka u kulul si joogto ah waxay dhaawici kartaa unugyada gudaha ee tubadaan, taasoo keeni karta xaalado halis ah sida dhaawac joogto ah oo u horseeda kansar.

Saameynta Shaaha Kulul

Shaaha laftiisa kansar ma keeno, balse cabistiisa kulul, gaar ahaan marka ay ku lamaan tahay:

  • Cabista sigaar iyo wax la mid ah
  • xaalado caafimaad sida gaaska labjeex (acid reflux)

Xaaladahaan waxay dhaawacaan unugyada dhuunta, taasoo sababi karta in ay unugyadu faraha ka baxaan sababana kansarka dhuunta.

Calaamadaha Hordhaca u ah Kansarka Dhuunta

Haddii aad tahay qof jecel shaaha aadka u kulul, fiiro gaar ah u yeelo calaamadahaan:

1. Xanuun iyo gubasho xabadka ah / feeraha

2. laqista cuntada oo kuugu adkaato

3. Miisaanka oo si lama filaan ah hoos ugu dhaca

4. Qufac joogto ah iyo cod xirme

5. Saxaro madow (dhiig qarsoon)

Haddii aad isku aragto calaamadahaas, waa muhiim in aad la xiriirto xirfadle caafimaad si baaritaan degdeg ah laguu sameeyo, sida tubada dhuunta ee endoscopy.

ka daaawo casharka oo muuqaal ah halkaan hoose

Talooyin Ku Aaddan Ilaalinta Caafimaadkaaga

1. Yaree Cabista Shaaha Kulul: Ku koob hal ama laba koob maalintii.

2. Ha Cabbin Shaaha Aad U Kulul: Sug ilaa uu kulaylka hoos ugu dhaco.

3. Ka Fogoow Cabista Qamriga Iyo Sigaarka: Waxay si weyn u kordhiyaan khatarta kansarkaan dhuunta .

4. iska daaweey xanuunka Gaaska Iyo Xanuunnada Kale Ee Dhuunta: Haddii aad qabto si xaaladaadu uga sii darin .

5. booqo xarun Caafimaad Haddii Aad Calaamadaas  isku Aragto: Ha sugin inta xaaladdu faraha ka baxdo.

Wacyigelin:

Cabista shaaha kulul waa dhaqan caadi ah oo bulshadeena caan kutahay, balse badbaadinta caafimaadkaaga waa muhiim. Fariintaan la wadaag asxaabtaada iyo qoyskaaga si ay iyagana uga faa’iideystaan.

Magaceygu waa Dr. Abdirizak Timajilac, waxaana rajeynayaa in aad ka faa’iiday talooyinkaan muhiimka ah. Caafimaadkaaga waa hantidaada ugu qaalisan.

Share your love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *