Book Appointment Now

5- Faaido Caanaha iyo Timirta sidaan u istcmaal.
Haddii aad u isticmaasho caanaha iyo timirta sida qormadaan aanku sharxi doono, waxaad ka heli doontaa faa’iidooyin waaweyn oo caafimaad. Si kastaba, si aad u hesho natiijooyinka ugu wanaagsan, waxaa muhiim ah:
✓ In aad si sax ah u fahanto qaabka loo isticmaalo.
✓ In aad ogaato xaddiga saxda ah qiyaasta marka timirta iyo caanaha la isku darayo SI Faaido dhameestiran aa u hesho .
✓ In aad raacdo jadwal ku habboon waqtiga isticmaalka ee aan kuu sharxi doono…
Maxay Tahay Faa’iidooyinka isku darka Caanaha iyo Timirta?
1. Kor u Qaadista Awoodda Murqaha
Marka timirta iyo caanaha la isku daro, waxay kordhiyaan awoodda murqaha, maadaama caanahu ay hodan ku yihiin borotiin. Timirtu waxay bixisaa sokor dabiici ah oo ka caawisa jirka in uu helo tamar badan. Dadka jimicsiga sameeya waa ineey si gaar ah uga faa’iideystaan, maadaama isku darkaani uu xoojiyo murqaha isla markaana dib u soo celiyo tamarta lumtay xiliga jimicsiga . Waxa kale oo ay ku habboon tahay in la isticmaalo xilliga saxuurta inta lagu jiro soonka, si looga hortago daalka maalinta oo dhan.
2. Ka Hortagga Dhiig-yaraanta
Timirta iyo caanaha waxay sare u qaadaan heerka birta (iron) ee jirka, taas oo ka caawisa samaynta unugyo dhiig cusub iyo gaarsiinta ogsijiinta unugyada kala duwan ee jirka. Haddii aad la dhibtooneyso dhiig-yaraan ama daal badan, isku darkaan wuxuu si weyn kaaga caawinayaan inaad xal u hesho xaladahaas .
3. Hagaajinta Caafimaadka Maskaxda
Caanaha iyo timirta waxay xoojiyaan shaqada maskaxda, gaar ahaan:
* Waxay kor u qaadaan xasuusta iyo xiftinta.
Waxay hodan ku yihiin fitamiin B6, oo muhiim u ah caafimaadka maskaxda iyo dareemayaasha.
4. Kor u Qaadista Tamarta Maalinlaha
Caanaha iyo timirta waxay bixiyaan tamar degdeg ah oo dabiici ah. Waxay si gaar ah faa’iido ugu leeyihiin dadka dareema caajis, daal, ama tabar dari .
5. Hagaajinta Caafimaadka Maqaarka
Marka timirta iyo caanaha si joogto ah loo isticmaalo, waxay iftiimiyaan maqaarka. Waxay sidoo kale caawiyaan wareegga dhiigga, taas oo ka dhigaysa maqaarka mid caafimaad qaba oo qurux badan.
Talooyin qaab Isticmaalka !
Xaddiga Saxda Ah: Ku dar 3-5 xabbo oo timir ah koob caano ah.
Waqtiga Ugu Habboon: isticmaal saacado ka hor jimicsiga, saxuurta, ama marka aad tamar u baahan tahay.
Habka Diyaarinta: Ku dar timirta caano diiran oo qaboobaneen , si ay sifiican isugu milmaan.
Marka aad raacdo tilmaamahan, waxaad dareemi doontaa isbeddel muuqda muddo todobaadyo gudahood .
Isku Darka xadiga labada dhinac ( caanaha iyo timirta )
Si aad u hesho faa’iidooyinka ugu badan ee caanaha iyo timirta, isku darka waxaa lagula talinayaa in la isticmaalo habeenkii. Cab 1 ama 2 galaas oo caano ah, kuna dar 3 ilaa 5 timir. Caanaha waa in ay noqdaan kuwo diirran, kadibna isku darso timirta iyo caanaha si dabiici ah. Subaxii, waxaad dareemi doontaa tamar badan iyo firfircooni.
Isticmaalka joogtada ah ee isku darka caanaha iyo timirta waxay ka dhigaysaa qofka inuu dareemo firfircooni badan iyo tamar sare. Caajiskaaga ayaa yaraada, waxaadna dareemaysaa xoog badan oo kaa caawinaya inaad noqoto qof firfircoon, awood iyo Tamar badan haayo .
Ka daawo muuqaalka hoose
Balanteenu waa Bulsho caafimaad qabta
Qore – Dr Timajilac